Monday, June 30, 2025

Faahfaahin: Dabley qaab Beeleed u abaabulan oo magaalada Muqdisho ku dilay Dhaqtar caan ahaa.

Waxa xalay magaalada Muqdisho ka dhacay dil aan noociisa muddooyinkan dambe ka dhicin caasimadda, kadib markii maleeshiyo beeleed ay toogasho ku dileen dhaqtar caan ka ahaa degaano ka tirsan caasimadda.

Dhakhtarkan Xasan Maxamuud Sabriye ayaa xalay lagu weerarray xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid, magaalada Muqdisho, waxaana ay ka baxsadeen goobta markii ay toogteen, iyadoo meydkiisa laga qaaday halkaasi, markii ay gaareen ciidamada amniga.

Wararka laga helay ayaa sheegaya in dilka Dhaqtarka ay ka dambeeyeen koox dabley ah oo u dilay aargoosi qabiil, kadib dil kale oo dhowaan halkaasi ka dhacay oo loogu aaray Dr. Xasan Xaayow ayaa xarun caafimaad oo yar ku lahaa degmada Yaaqshiid, wuxuuna ahaa dhaqaatiirta la tacaasha shuban-biyoodka oo degaankaasi kusoo caan baxay.

Dilalka aanooyinka qabiil iyo aargoosiga ku dhisan ayaa ku yaraa magaalada Muqdisho oo si joogto ah ugu dhacaan dilal qorsheysan oo ka fuliyaan Alshabaab iyo Daacish.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON