Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa ka hadlay howlgallo maalmihii ugu denbeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo agagaaarkeeda, iyadoo lagu qabtay dad ka badan 70 qof oo dembiyo kala duwan loo heysto.
Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiyo Xuseen ayaa sheegtay in 4 qof oo Alshabab ah lagu qabtay degmada Heliwaa, halka degmada Xamarweyne lagu qabtay nin loo heysto inuu ka dambeeyay dilka guddoomiye waaxeed ka dhacay degmadaasi, waxaa kaloo isla degmada lagu qabay 8 qof iyo afar qof oo lagu soo qabtay 4 qof oo burcad ah.
Dadka lasoo qabtay waxaa lu jira 4 qof oo midkood haween tahay, kuwasoo ku howlanaa ka ganacsiga maandooriyaha Xashiishada guri ku yaalla degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Sakiyo Xuseen ayaa sheegtay ay baaritaano ku socdaan, iyadoo kiisaskooda loo gudbin doono maxkamadaha.