Thursday, July 17, 2025

Faahfaahin: Dad ku dhintay Dagaal ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ku dhex maray Muqdisho

Dagaal dhex maray laba ciidan oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Galabta maqribnimadii ka dhacay agagaarka Kuliyadda Jaalle Siyaad ee degmada Deyniile, magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in labada ciidan ay kala ahaayeen Nabadsugidda iyo ciidamo milateri ah, waxaana iska hor imaadku ka dhacay bar ay ku sugan yihiin ciidamada amniga oo ay yimaadeen ciidamada milateri, kadibna halkaasi rasaas isku furay, tasoo dhalisay dhimasho iyo dhaawac.

Is rasaaseynta labada ciidan ayaa dhalisay dhimashada laba qof oo shacab oo kala ahaa Wiil dhalinyar oo mooto Bajaaj darawal ka ahaa iyo Gabar sanadkan ka qalin jebisay Dugsiyada sare oo magaceeda lagu sheegay Ismahaan Salaad Khaliif, waxaana ku dhaawacmay haweeney ganacsade ah, wiildhalinyaro ah iyo askari.

Waa markii labaad muddo 24 saacadood ah oo ciidamada dowladda ay ku dagaalamaan Muqidsho, waxaana shalay  Ex-control afgooye ku dagaalamay labo Ciidan oo kala ah Milatari iyo Nabadsugid, ayna ku dhinteen 4 qof.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON