Thursday, July 3, 2025

Faahfaahin: Dad la socday Gaari BL ah oo lagu Qarxiyey duleedka Muqdisho & Qasaaraha..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Qarax xoog leh oo haleelay Gaari BL ah oo ay la socdeen dad rayid ah degaanka Xaawo-Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa qabsadya Gaari Bas yar ah (Mini Bus) nooca Homey, waxayna wararku sheegayaa inay jiraan qasaare dhimasho iyo dhaawac lah oo warar kala duwan kasoo baxayaan tirada dadka ku dhintay oo ku dhow 10 qof oo shacab ah, ayna jiraaa dhaawacyo, sida ay sheegeen dadka degaankaasi ku sugnaa marka qaraxu dhacay.

Gaariga BL ah ayaa la sheegay inuu ka baxay magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday degmada Wanlaweyne ee gobolka Shabeellada Hoose, kuna socday magaalada Muqdisho, waxaana qaraxa loo maleynayo Miino wadadda dhinaceeda la dhigay ay haleeshay xilli uu marayay degaanka Xaawa-Cabdi oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye.

Goobta qaraxa ka dhacay ayaa la sheegay inay u dhowdahay ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwaasoo goobta tegay markii qaraxu dhacay.

Dadka dhaawaca ah ayaa loo qaaday Isbitaalada Muqdisho, waxaana intooda badan la geeyay isbitaalka Medina ee magaalada Muqdisho.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON