Wednesday, July 2, 2025

FAAHFAAHIN: Dad yar oo ka badbaaday Diyaaraddii AUSSOM ee ku burburtay Garoonka Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay diyaarad nooca Helicopter-ja ah oo ay lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee howlgalka AUSSOM, taasoo kasoo kacday garoonka Ballidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose, kuna dhacday Garoonka Muqdisho dhinaca Afisyoone.

diyaaradda ayey cilad qabsatay markii ay damacday inay ku degto Garoonka Muqdisho, qaybta xigta Afisyoone, halkaas oo ay gebi ahaan ku gubatay.

Qoraal kasoo baxay Howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa lagu xaqiijiyay in 3 qof oo kaliya ay ka badbaadeen Diyaaradii Helikobtarka ahayd ee saaka ku buburtay Garoonka Muqdisho, dhinaca Afisyoone.

AUSSOM ayaa sheegay inuu weli socdo gurmadka dadkii akle ee la socday diayarada oo u muuqda inay geeriyoodeen. Diyaaradda waxaa lahaa ciidamada Uganda, waxayna ku howlgaleysay magaca AUSSOM.

Shilkan ayaa saaka sababay in muddo la xiro Garoonka Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle, iyadoo diyaaradda Turkish Airline ee Muqdisho xilligaas kusoo jeeday loo wareejiyay magaalada Nairobi.

  ayaa ah garoonka ugu mashquulka badan Soomaaliya, waxaana inta badan laga fuliyaa howlaha gargaarka iyo socdaallada diblomaasiyadeed ee gobolka Geeska Afrika.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON