Friday, April 19, 2024

Faahfaahin: Dagaal Guriceel ku dhex maray Booliska Galmudug iyo Ciidamada Milateriga Gorgor

Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu halkaasi dagaal ku dhex maray askar ka kala tirsan ciidamada Soomaaliya iyo Booliska Maamulka Galmudug.

Dagaalkan oo hubka fudud iyo midka culus la isku adeegsaday ayaa dhex maray booliiska degmada Guriceel iyo ciidamada militariga ee Gorgor oo halkaas u tegay dagaalkii Ahlu suna.

Qasaaraha dagaalka ayaa hadda soo baxay, waxaana la xaqiijiyey inay ku dhinteen dagaalka laba qof oo lagu kala magacaabo Sadiiq Xaashi Indhabuur iyo Yusro C/laahi Axmed, iyadoo ay ku dhaawacmeen dhowr askari oo labada dhinac ah. Dagaalka ayaa salka ku haya xarigga askari ka tirsan ciidamada Gorgor.

Ad

Dagaalkan ayaa yimid kadib dagaal la mida oo isna ka dhacay magaalada Dhuusamareeb, waxaana muuqata in ciidamada milateriga dowladda Federaalka ay khalkhal amni ku hayaan magaalooyinka Galmudug

Magaalada Guriceel ayaa kasoo kabaneysay dagaallo qaraar oo bishii Oktoobar 2021 ku dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON