Wednesday, June 25, 2025

Faahfaahin Dagaal ka dhacay Cadaado & Taliyihii Booliska magaalada oo la dhaawacay

Iska hor imaad maanta ka dhacay magaalada Cadaado ee Xaruntamaamulka Galmudug ayaa sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Iska hor imaadka oo dagaal toos ah isu bedelay ayaa dhex maray Ciidamada Nabadsugida Galmudug iyo Maleeshiyo Jidgooyo dhigatay oo ciidamada ay isku dayeen inay kala eryaan.

Isbaarada ayaa lagu eedeeyay inuu dhigtay nin lagu magacaabo  C/Qaadir Afwayne oo la sheegay inuu isbaaro dhigtay koontoroolka magaalada, iyadoo diiday inay ka tagaan halkaasi.

Qasaaraha dagaalka ayaa gaaray  5 dhimasho ah iyo dhaawaca 20 qof, waxaana dadka dhaawacmay ka mida Taliyaha ciidamada booliska magaaladda Cadaado Xuseen Cumar Muumin.

Xaaladda ayaa weli kacsan iyadoo maleeshiyada difaacaneysa isbaarada ay gurmad heshay, isla markaana uu dagaalku saameyn weyn ku yeeshay magaalada Cadaado oo rasaas culus ay ku soo dhacday.

Dadaallo lagu xalinayo xaalada ayaa ka socda magaalada Cadaado, inkastoo hore loo saxiixay qofkii isbaaro lagu dilo inaan la isku heysan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON