Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa rasaas ka dhacday ay Gudaha Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho, iyadoo la in Maxaabiis ku jirtay xabsiga ay gacanta ku dhigeen hub, kadibna ay rasaas bilaabeen.
Maxaabiistan hubka heshay ayaa la tuhusan yahay inay ahaayeen xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab, waxaana la sheegay in gudaha xabsiga lagu dilay askar ka mida ilaalada xabsiga, waxaana sidoo kale xabsiga ka dhacay dhimasho iyo dhaawac.
Warar kala duwan ayaa laga helay rasaastu ka dhacday gudaha xabsiga dhexe, waxayna wararka qaar sheegayaan inay qeyb ka mida xasbiga la wareegeen xubno ka tirsan Alshabaab ayna isku dayeen inay ka baxsadaan Xasbiga.
Ciidamada Asluubta ee ilaalada xabsiga ayaa dagaal la galay kooxdan, waxaana lagu biiriyey ciidamada Booliska ee gaarka u tababarran (Haramcad) oo gurmad u tegay xabsiga, kuwaas oo soo afjaray dagaalkii maxaabiista Alshabaab.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalkii ka socday gudaha xabsiga Dhexe lasoo afjaray, kadib markii la toogtay 4 dagaalame oo maxaabiis ahaa, waxaa kaloo ku dhintay 4 askari, iyo dhaawaca askar kale, iyadoo la qabtay laba dhaawac ah oo is dhiibay, Hal maxbuus oo Alshabaab ka tirsan ayaa baxsaday.