FAAHFAAHIN: Dagaal kooxda Alshabaab ku qaaday Magaalada Marko & Wararkii ugu danbeeyay

Kooxda Alshabaab iyo saraakiisha ciidamada dowladda ayaa warar kala duwan kasoo saaray dagaal xalay ka dhacay magaalada Marko ee Gobolka Sh/hoose.

Dagaalka ayaa ahaa weerar kedis ah oo Alshabaab ku qaadeen magaalada, iyadoo war kasoo baxay Alshabaab lagyu sheegay in dagaalku ahaa mid saf ballaaran oo xoog leh, kaasoo lagu beegsaday saldhigayada ciidamada dowladda ee magaalada Marko.

Dadka degaanka ayaa sheegay in dagaalka uu socday muddo ku dhow saacad, iyadoo la isku adeegsaday hubka waaweyn, waxaana markii dambe istaagay dagaalka oo khalkhal iyo cabsi geliyey dadka magaalada oo xilli saq dhexe ah ku jiray.

Ad

Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay inay iska caabiyeen ilaa 7 maleeshiyo oo Alshabaab ah, kuwaasoo qori baasuuke ah ku soo riday magaalada, kaasoo dhaliyey dab qabsaday bakhaar ganacsi, kaidbna dagaal dhex maray ay kooxdii weerarka soo qaaday ka dileen 2 ka mida.

Wararkii ugu danbeeyay aya sheegaya in maanta ay degan tahay xaaladda magaalada Marko, iyadoo ciidamada milateriga ay howlgal ka sameeyeen duleedka magaalada oo Alshabaab kasoo weerarraan magaalada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

119,300FansLike
749FollowersFollow
2,871FollowersFollow

XOGAHA QARSOON

error: Content is protected !!