Saturday, June 28, 2025

Faahfaahin: Dagaal laba Ciidan ku dhex maray Xaafad ka tirsan Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dagaal laba ciidan ku dhex maray xaafadda Daarusalaam, degmada Yaaqahiid ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya inuu ka dhex qarxay laba ciidan oo kala taabacsan Guddoomiye ku-xigeenka siyaasadda ee Degmada Dayniile iyo Gudoomiyaha waaxda Daarusalaam.

Dagaalkan ayaa dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, wuxuuna saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah oo dushooda lagu dagaalamay, iyadoo dadka degaanka ay sheegeen inuu ka dhashay muran Dhul oo labada mas’uul ay qeyb ka noqdeen.

Ilaa 4 askari ayaa la sheegay inay ku dhinteen, waxaana jira dhaawacyo badan, iyadoo markii danbe ay goobta dagaalka tageen ciidamada Booliska gaarka ah oo kala dhex galay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON