Saturday, June 28, 2025

Faahfaahin: Dagaal Muqdisho ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan Dowladda & Sarkaal lagu dilay

Iska hor imaad magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada milateriga.

Dgaalka ayaa ka dhacay xaafadda Kaawo Godey ee degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir, waxaana dhex maray ciidamada Nabadsuggidda iyo kuwa Milatariga, iyadoo uu ka dhashay muran la xiriira Dhul ku yaalla Xaafadda Kaawo godey ee degmada Dharkeenley.

Iska hor imaadka ayaa la sheegay in lagu dilay  sarkaal ka tirsanaa ciidamada milateriga oo magaciisa lagu soo koobay Mingiste, waxaana markaas kadib goobta gaaray ciidamo fara badan oo ka tirsan milatariga Soomaaliya.

Isku dhaca maanta ayaa imaanaya, iyadoo uu Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu dhowaan ka digay sii socoshada isku dhacyada ciidamada dowladda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON