Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyada Alshabaab ay dagaal xoog leh ku qaadeen degaanka Base ee ka tirsan degmada Balcad una dhaxeeya degmada Balcad iyo Afgooye.
Dagaalka ayaa bilowday kadib markii kooxda Al-shabaab ay Weerar culus oo dhowr jiho ah ku qaadeen ku qaadeen fariisimo ay dhowaan ciidamada xoogga dalka ka sameysteen degaankaasi oo ay dhowaan ka saareen Alshabaab.
Dagaal aad u qaraar ayaa la soo weriyay inuu labada dhinac dhex maray iyadoo halkaasi ku sugnaayeen ciidamo fara badan oo ka tirsan Xoogga dalka qeybta 12-ka April. Waxaana iska hor imaadka uu socday muddo saacado ah.
Dadka degaanka ayaa lag soo xigtay in hub culus la isku weydaarsaday dagaalka, isla markaana ay jiraan khasaare xoog leh oo labada dhinac kala gaaray. Ciidamada dowladda ayaa la sheegay inay iska difaaceen weerarka.
Ma jirto wax war ah oo saraakiisha dowladda ay kasoo saareen weerarka Alshabaab, waxaana la sheegay in maleeshiyada Alshabaab ay dib uga baxeen degaanka Basra kadib dagaal faraha looga gubtay oo ay la galeen ciidamada dowadda.
Degaanka Basra ayaa dhowaan laga saaray maleeshiyada ururka Al-shabaab, isagoo ka mida degaanoo ku yaalla Shabeellooyinka oo ay ka mid yihiin Buulo-Kuuto, Daniga Baalow iyo Degaanka Jabaluul.