Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Nin dhalinyaro ah oo Dhaqtar ahaa, kaasoo xalay lagu dilay xaafad ka tirsan magaalada Muqdisho.
Dilka ayaa ka dhacay xaafadda Dabakaayo Madow ee degmada Dharkeynley, waxaana koox Bistoolado ku hubeysan ay Dr. C/llaahi Yusuuf Jeylaani (Suudaani) ku weerarreen xarun caafimaad oo uu ku lahaa Dabakayo-Madow xili uu kusii jeeday Salaadii Maqribka, iyagoo goobta ka baxsaday markii dilka u geysteen dhaqtarka.
Dilkan oo naxdin weyn ku dhaliyey qoyska dhaqtarka oo ahaa nin da’ yar oo caafimaadka kusoo bartay dalka Suudaan ayaa dad goobjoogayaal ahaa ay sheegeen inay dilkiisa geysteen rag ku lebisan dareys ciidan.
Ciidamada amniga oo markii danbe halkaasi gaaray ayaan ku guuleysan inay gacanta ku soo dhigaan raggii dilka geystay, lamana oga ilaa hadda cidda dilkiisa ka dambeysay iyo sababta loo dilay dhaqtarka.
AKRHRISO WARKA AY AL-SHABAAB SOO SAARTAY