Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa koox hubeysan oo galabta toogasho ku dishay saddex Askari kadib weerar ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.
Weerarkan ayaa lagu qaaday askar ku sugneyd degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho, waxayn dad goobjoogayaal ahaa sheegeen inay la dilay saddex askari ee ka tirsanaa ciidamada dowladda xilli ah hoos fadhiyeen Geed, iyadoo rasaas darandoori ah lagu furay.
Ragga falkan ka danbeeyay ayaa ahaa laba nin oo dhalinyaro ah, kuwasoo ku Bistoolado ku hubeysnaa, waxayna goobta ka baxsadeen markii ay laayeen askarta, iyadoo markii danbe ay halkaasi gaareen ciidamada amniga dowladda.
Waxaa degaanka Ceelasha biyaha ka dhacay howlgal ay ciidamada ka bilaabeen, kasoo lagu baadi goobayey raggii dilka u geystay askartan oo la sheegay inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab.