Dil maanta ka dhacay magaalada Muqdisho oo lagu khaarijiyay oday dhaqameed ku sugnaa degmada Waaberi ayaa laga helay faafhaahin dheeraad ah.
Ugaas C/qaadir Xuseen Farey ayaa koox hubeysan ku khaarijiyeen degmada Waaberi, waxaana ;a sheegay inuu ahaa ugaaska beesha Sheekhaal Gendershe, oo qeyb ku lahaa doorashada xildhibaanada Federaalka ee magaalada Baydhaba.
Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay ku sugnaayeen meel u dhow goobta lagu dilay Ugaaska, iyagoo aan wax gurmad ah u sameynin, isla markaana isu dayin in kooxda dilka geysatay ay dabagalaan.
Wiil uu dhalay ugaaska la dilay ayaa saxaafadda u sheegay inaysan ogeyn sababta dilkiisa iyo cidda ka danbeysay.
Goobjooge.com