Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dilal kala duwan oo saacadihii ugu danbeeyay ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye oo lagu dilay ilaa afar qof.
Falka hore ayaa ka dhacay Xaafadda Silliga Mareykanka ee degmada Wadajir, halkaasoo ay ciidamada Amiga ku rasaaseeyeen nin Bistoolad ku hubeysnaa oo laga shakiyey, kadib markii uu diiday amarkii ciidamada, waxaana isagoo dhaawac ah uu isku dayey inuu baxsado, iyadoo markii danbe lagu dilay xaafadda Seybiyaano ee degmada Hodan.
Ninkan dableyda ah ayaa la sheegay inuu dhaawacay askari Boolis ah, kadibna uu doonayey inuu baxsado, laakiin ay ciidamadu ka daba tageen oo ay toogteen ninkaasi, iyadoo tallaabadan ay qeyb ka tahay howlgallo ay qaadeen ciidamada oo muddo toddobaad ah lagu dilay xubno Alshabaab ah oo dilal khaarijin ah fulinayey.
Falka labaad ayaa ka dhacay xaafadda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan markii koox burcad ah ay toogten wiil dhalinyaro ah, kaasoo ay ka dhaceen telefoon Mobile ah oo uu watay, kadibna ay toogasho ku dileen.
Degmada Afgooye ayaa lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Dhuun, kaasoo la sheegay inuu ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildbibaannada Koonfur Galbeed ee waqtigooda uu dhamaaday, waxaana goobta ka baxsaday dableydii dilkaasi geysatay.
Dhinaca kale isla degmada afgooye waxaa isla xalay lagu dilay Nuur Faarax Nuur oo ahaa isu-duwihii wasaaradda maaliyadda Koonfur Galbeed Soomaaliya ee degmada Afgooye, waxaana baxsaday dableydii falkaasi geysatay.
Falkan oo ahaa kii labaad ee ka dhacaya Afgooye saacado gudahood ayaa warar kala duwan kasoo baxeen, waxaana saraakiisha Amniga ee degmada Afgooye laga soo xigtay in dilkaasi aaney ka dambeyn Al-shabaab balse ay garanayaan dadkii ka danbeeyay falkaasi.
Magaalada Gaalkacyo ayaa sidoo kale xalay lagu dilay Taliyihii Nabadsugidda Gobolka Mudug ee maamulka Puntland Aadan Xaashi Cilmi, waxaana dikiisa sheegtay Alshabaab.