Wednesday, July 2, 2025

FAAHFAAHIN: Dilal kala duwan oo ka dhacay Xaafado ka tirsan Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dilal kala duwan ay caawa ka dhaceen caasimadda Soomaaliya.

Falka hore ayaa lagu dilay xaafada Warshadda Baastada ee degmada Yaaqshiid, magaalada Muqdisho, waxayna dabley bistoolado ku hubeysan ay toogasho ku dileen maaamulka Iskuul oo magaciisa lagu sheegay Xuseen Maxamed Xuseen, waxaana goobta ka baxsaday kooxdii dilka geysatay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninka la dilay ee Xuseen Maxamed hore loo dilay nin la dhashay oo isna ahaa macallin iskuul, kaasoo dilkiisa  ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha, iyadoo dilkiisa la sheegay inay  ka dambeeyeen Alshabaab, waxaana lagu sheegay inuu ka tirsana Daacish.

Dhinaca kale waxaa isla caawa xaafadda Godey ee degmada Kaaraan lagu dilay nin dukaan ganacsi ku lahaa deegaankaasi, iyadoo dableyda dilka geysatay ay baxsadeen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON