Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay falal lagu dilay ilaa saddex qof oo xalay ka dhacay magaalada Muqdisho iyo degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaalada.
Wararka laga helayo degaanka Ceelaha Biyaha ayaa heegaya in Labo Wiil oo walaallo ahaa xalay lagu dilay degaankaasi, waxaana dilka geystay rag bistoolado ku hubeysnaa oo baxsaday markii ay falkaasi geysteen.
Dil kale ayaa isna xalay ka dhacay Xaafada Silliga, iyadoo halkaais lagu a dilay nika mida dadka xaafadaasi degan, waxaaana dilka geystay askari ka tirsan ciidamada dowladda sida ay sheegeen dadka degaanka.
Meydka ninka la dilay ayaa la geeyay xarunta Danbi baarista Booliska ee C.I.D magaalada Muqdisho si baaritaan dheeraad ah loogu sameayo, waxaana goobta dilku ka dhacay tegay ciidamada Booliska, iyadoo uu baxsaday askariga falka geystay.