Tuesday, June 24, 2025

Faahfaahin: Gaari uu lahaa Mas’uul ka tirsan Dowladda oo ku Qarxay magaalada Muqdisho & Qasaare ka dhashay..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax saaka ka dhacay  Isgoyska Taleex ee degmada Hodan, magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo la sheegay inuu ahaa miino lagu xiray ayaa lala beegsaday Gaari nooca Toyota Hilux ah oo wadadda marayey kaasoo la sheegay inuu lahaa agaasimaha Wasaaradda Howlaha Guud ee xukuumadda Soomaaliya, iyadoo wararku sheegayaan inuu qaraxu dhaliyey dhimasho iyo dhaawac.

Qof haweeney ah oo la socotay Gaariga ayaa la sheegay inay ku geeriyootay qaraxa, waxaana ku dhaawacmay laba qof oo kale.

Qaraxa oo laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada ayaa dhaliyey inay xiranto wadadda Taleex ee mashquulka ah, iyadoo ay Ciidamada Booliska halkaasi gaareen, waxaana markii dambe dib u soo laabtay isu socodkii.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON