Saturday, July 5, 2025

Faahfaahin: Haween ku howlanaa Nadaafad oo lagu laayey duleedka Muqdisho & Alshabaab oo lagu eedeeyay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dad shacab ah oo lagu laayey deganka Xaawo-cabdi duleedka magaalada Muqdisho, kadib markii koox hunbeysan ay weerar ku qaaday dadkaasi.

Kooxda weerarka qaaday ayaa la sheegay inay dadkaasi oo u badnaa haween ku howlanaa nabadaafadda wadadda isku xirta Muqdisho iyo Afgooye mid mid u toogasho ugu dishay, kadibna ay goobta ka baxsadeen.

Dadka deeaanka ayaa sheegay in rag hubeysan oo watay gaari yar ay yimaadeen halka haweenku ay shaqada ka hayeen, kadibna ay rasaas ooda uga qaadeen, waxana halkaas ku dhintay 9 dumar ah.

Dadka dhintay ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 7 qof oo haween ah, waxaana dhaawacmay qaar kale, iyadoo faalkaasi lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen kooxda Alshabaa oo diidanaa inay la nadiifiyo geedahana laga jaro wadadda Afgooye.

Guddoomiyaha Gobolka Sh/Hoose Maxamed Ibraahim Barre ayaa ku eedeeyay Alshabaab inay xasuuqeen dad dumar u badnaa oo ku howlanaa nadaafad, kuwaasoo aysan jirin wax ay galabsadeen.



NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON