Thursday, June 26, 2025

FAAHFAAHIN: Haweeney Jarmal ah oo lagu afduubtay Muqdisho [Magaca Ninkii ka danbeeyay & Gaarigii lagu afduubtay oo la helay]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay  haweeney u shaqeyneysan hay’adda  Laanqeyta  Cad ee adduunka ICRC oo Muqdisho xalay laguy afduubtay, haweeneydan oo u dhalatay dalka Jarmalka.

Wasaarada Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in afduubka ay ka danbeeyeen shaqaalaha ICRC ee dhinaca amniga, iyadoo  afduubku dhacay xalay fiidkii iyadoo ku sugneyd xarunta Hay’adda ee ku taalla agagaarka Laami-yaraha Soope, degmada Wadajir ee magaalada ee Muqdisho.

Ciidamada amniga ayaa isla xalay gaaray goobtii laga afduubtay haweeneydaas, iyagoo baaritaan ka sameeyay isla markaana xabsiga dhigay qaar ka mida ilaalada xaruntaasi oo ahaa hay’ado gaara oo amniga qaabilsan oo ay qorteen madaxda hay’adda ICRC.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga C/casiis Cali Ibraahim Xildhibaan ayaa sheegay in Ciidamada amaanka ay dabagal ku sameeyeen Kooxda afduubka geystay, isla markaana Gaarigii lagu afduubtay laga helay Xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodon.

Wuxuu kaloo sheegay in ninka ka dambeeyay afduubka oo ka tirsanaa shaqaalaha ICRC lagu magacaabo  Maxamuud Maxamed Cali. Waxaana socda baaritaan ku saabsan afduubka uu socdo.

War ka soo baxay ICRC ayaa lagu xaqiijiyey afduubka haweeneydaasi iyadoo ku xigeenka madaxda ICRC ee Soomaaliya Daniel O’Malley oo sheegay inay aad uga walaacsan yihiin bedqabkeeda ayna xiriir la leeyihiin hay’adaha ammaanka dowladda si loo xaqiijiyo in la sii daayo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON