Tuesday, June 24, 2025

FAAHFAAHIN: Haweeney Macalimad ahayd oo si bareer ah loogu dilay Muqdisho [Yaa ka danbeeyay?]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laag helay dil bareer ah oo magaalada Muqdisho xalay loogu geystay haweeney lagu magacaabi jiray Safiya Cabdiraxmaan Faatax.

Dilka haweeneydan oo ahayd aqoonayahan macalimad ka ah Dugsiga Raage Ugaas ee magaalada Muqdisho ayaa toogasho lagu dilay Xaafadda Ceelqalow ee degmada Wadajir, iyadoo dilkeeda la sheegay inuu ka danbeeyay askari ka tirsan ciidamada dowladda.

Askariga ayaa la sheegay inuu rasaas ku furay Mooto Bajaaj ay saarneyd, xilli ay wadadda mashquul ahayd; waxayna rasaasta ka haleeshay qeybta sare ee jirkeeda, taasoo keentay inay isla goobta ku geeriyooto.

Waxaa goobta ka baxsaday askariga dilka geystay, waxaana markaas ka dib halkaasi tegay ciidamada Amniga, iyadoo aan weli gacanta lagu soo dhigin askarigaasi.

Ciidamada dowladda ayaa qeyb weyn ku leh dadka sida bareerka ah loogu dilo magaalada Muqdisho, waxayna ciidamadan oo intooda badan maleeshiyo hore u ahaa ay rasaas  ku furaan dadka dhexdooda.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON