Faahaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa dil ka dhacay degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho, kadib markii askari ka tirsan ciidamada dowladda uu rasaas ku furay haweeney uur lahayd.
Dilka haweeneydan oo lagu magacaabi jiray Hodon Ismaaciil Yuubane ayaa yimid kadib markii dagaal xaafadeed dhex maray qoysas deris ah, kadibna askarigan oo goobta yimid uu muran dhex maray haweeneyda, isagoo rasaas ku furay, goobtiina ay ku geeriyootay.
Marxuumad Hodon ayaa ahayd haweeney dhashay laba caruur ah, haddana lahayn uur yar, sida ay sheegeen ehelkeeda, waxaana maanta la aasay meydkeeda, iyadoo ay ciidamada amniga weli raadinayaan askariga dilka geystay.
Askarta Ciidamada Dowladda ee Magaalada muqdisho ayaa noqday kuwa dadka ugu badan ee shacabka ah ku dila magaalada Muqdisho, waxaana muddooyinkii ugu danbeeyay Muqdisho lagu dilay ilaa 3 qof oo dilkooda ay ka danbeeyeen ciidamada dowladda.