Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa madaafiic hoobiyeyaal ah oo ku soo dhacay xaafado ka tirsan degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Hoobiyeyaasha ayaa la sheegay in lala beegsaday xarunta Xisbiga oo ah goobta lagu diyaariyey ciidamo dowladda Soomaaliya ugu talogashay sugidda Ammaanka Bisha Ramadaan oo shalay halkaasi lagu soo bandhigay markii uu tegay Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre.
Dadka degaanka ayaa la xaqiijiyey shan madfac ay ku dhaceen xaafado ku dhow xarunta Xisbiga, Garoonka Stadium Muqdisho, iyo Xerada Cuuriyaamiinta, waxaana la xaqiijiyey inay ku dhaawacmeen lix Qof oo isku Qoys, kadib markii Gurigooda uu ku habsaday mid ka mid ah madaafiicdaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in dadka ku dhaawacmay mid ka mida madaafiicdaasi ay dhinteen, iyadoo ciidamada dowladda ee aagaasi ku sugan inay rasaas rideen aan la ogeyn cidda ay ku ridayeen.