Sunday, July 6, 2025

FAAHFAAHIN: Hoobiyeyaal lagu weerarray Madaxtooyada -Villa Somalia & qasaare ay geysteen [Sawirro]

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Madaafiic hoobiyeyaal ah oo maanta Duhurtii lagu weerarray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasoo ku dhacay Madaxtooyada iyo agagaarkeeda.

Hoobiyeyaasha aya burbur kasoo gaaray Xafiisyo ku yaala Gudaha Madaxtooyada Villa Somalia, iyadoo la sheegay inay ilaa 4 madfac ku dhaceen xeyndaabka magaalada, waxaana meelaha qasaaraha kasoo gaaray ka mida Xarunta Guddiga Doorashooyinka Qaranka.

Wararka aya sheegay Madfac hoobiye ah uu burbur u geystay Xarunta Guddiga, waxaa sidoo kale ay uu madfac kale ku dhacay Xarunta Villa Hargeysa ee Baarlamaanka Soomaaliya; wuxuuna burbur u geystay Gaari uu leeyahay Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Cabdi-wali Sheekh Ibraahim Muudey.

Labada kale ee Hoobiye ayaa ku dhacay dhabarka dambe ee Madaxtooyada, iyadoo wararku sheegayaan in ilaa saddex askari ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen madaafiicda.

No photo description available.
Image may contain: people sitting
No photo description available.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON