Tuesday, June 24, 2025

FAAHFAAHIN: Hotel Caan ah oo la weerarray & dabley Alshabaab ah oo gudaha u gashay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa lag helayaa qarax iyo weerar toos ah oo lagu qaaday Hotelka Elite ee xeebta Liido, degmada C/casiis ee magaalada Muqdsho.

Weerarka ayaa ku bilowday Qarax lala beegsaday qeybta hore ee Hotelka, kadibna waxaa la maqlay rasaas, iyadoo dable hubeysan oo ka tirsan Alshabaab ay gudaha u galeen Hotelka, sida laag soo xigtay dadweyn ku sugan goobta.

Ilaalada Hoteelka ayaa dagaal la galay dableyda weerartay hoteelka, waxaana weli socda rasaasta ay is-weydaarsanayaan labada dhinac.

“Koox hubeysan oo katirsan Xagjirka Alshabaab ayaa weerar loo adeegsaday qarax iyo dabley hubeysan ku qaaday Hotel Elite oo ku yaalla xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho, rasaas ayaa hadda ka dhaceysa gudaha Hotel-ka…” ayuu yiri afhayeenka Wsaaradda Warfaafinta oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

Xaaladda ayaa cakiran iyadoo dad badan ay ku go’doomeen goobta, waxaana gaaray ciidamo badan oo kuwa amniga ah..

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON