Sunday, July 13, 2025

Faahfaahin: Injineero & Shaqaale Turki ah oo lagu dhaawacay Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay Afgooye.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax is miidaamin ah oo ka dhacay maanta Koontroolka Boodbood-ka ee Degmada Afgooye Gobolka Sh/Hoose.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari weyn oo laga buuxiyey waxyaabaha qarxa, kaasoo laa galay barta Kontrol-ka oo ay ku sugnaayeen shaqaalaha Turkiga ee dhisaya wadadda isku xirta Muqdisho iyo Afgooye iyo ciidamada Booliska ee ilaalada u ah xilli la sheegay inay nasanayeen.

Qaraxa ayaa geystay qasaare kala duwan, waxaana la sheegay inay ku dhinteen 3 qof oo askar ku jiro, kuna dhaawacmeen 20 kale oo 6 ka mida ay Turki yihiin.

Safiirka Turkiga u jooga Soomaaliya Mehmet Yılmaz ayaa xaqiijiyey inay 6 qof oo Turki ah ku dhawacmeen qaraxa, waxaana xaaladooda ay halis tahay 2 ka mida, waana qasaarihii ugu weynaa shaqaalaha Turkiga soo gaaray.

Waa qaraxii labaad ee weyn oo lala beegsado Shaqaalaha Turkiga ee ku howlan dhismaha Wadadda Afgooye, waxaana qarixii Disember ku dhintay 2 injineer o Turki ah iyo Soomaali ka badan 100 qof.

Image may contain: one or more people and outdoor
Image may contain: one or more people and outdoor

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON