Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa Qarax is-miidaamin ahaa oo caawa lagu qaaday maqaayad ku taalla wadadda u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Garoonka Muqdisho.
Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa oo is-miidamiyey aha ayaa galay Maqaayadda Gelato Divino oo lagu iibiyaa Jalaatadda Ice Cream, wuxuuna isku qarxiyey dadkii halkaasi ku sugnaa o shacab u badnaa.
Qofka qaraxa geystay ayaa la sheegay inuu ahaa oday watay Khamiis oo maqaayada isla markii uu galay dadka isku dhex qarxiyey, waxaana laga cabsi qabaa inuu qasaaraha sii kordho. Maqaayadda ayaa u dhow Hoyga uu degan yahay Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed.
Qasaaraha dhimasha ee qaraxa ayaa gaaraya ilaa 7 qof oo u badan dhalinyaro si weyn looga yiqiin caasimada, waxaana dhaawaca la sheegay inuu ka badan yahay 10 qof, waxaana goobta laga daad gureeyay gaadiidka gurmadka iyadoo la xiray goobta uu qaraxa ka dhacay.
