Monday, July 14, 2025

Faahfaahin: Is-miidaamiye Dhalinyarro badan ku laayay Qarax ka dhacay Xerada Ciidamada…

Faahfaahin dheerad ah ayaa laga helayaa qarax uu fuliyey qof is-miidaamiye ahaa oo isku qarxiyey Xerada ciidamada ee Genaraal Dhega Badan Ex- warshadii Nacnaca ee magaalada Muqdisho.

Qofkan isku soo xiray waxbaayaba qarxa ayaa soo dhex galay dhalinyaro la sheegay in loo qorayey ciidamada oo saf ugu jiray inay la diiwaan geliyo, kadibna wuxuu isku qarxiyay dhexdooda, isagoo iska dhigaya qof doonaya in ciidamada loo qoro.

Qasaare badan ayuu dhaliyey qaraxa, waxaana wararkii ugu horeeyay ay sheegayaan inay ku dhinteen dad fara badan oo gaaraya ilaa 20 qof oo u badan dhalinyarradii halkaasi u tagtay in ciidamaada loo qoro ururka sagaalaad ee ciidanka kumaandooska Gorgor ee Turkidu tababaraan. Waxa kaloo jira dhaawacyo badan.

Qaraxa kadib ayaa la maqlay rasaos xoog leh oo goobta ka dhacday, mana jiro War kasoo baxay taliska ciidamada Xoogga dalka iyo hay’adaha amniga.

Wararkii ugu danbeeyay Qaraxa iyo Qasaarahja oo kordhay: Halkan ka akhriso

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON