Wararka laga helayo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya inay is-raasaaseyn ka dhacday halkaasi, iyadoo uu iska hor imaad dhex maray laba ciidan.
Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowladda ayaa isku rasaaseeyay Afka hore ee xarunta Taliska 21-aad ee Magaalada Dhuusamareeb, kadib markii ciidamo ilaalo u ahaa Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ay gaareen xerada, iyadoo lagu waday in maanta la dhagax dhigo xarunta Madaxtooyada oo laga dhisayo xerada 21-aad.
Is-rasaaseyn ayaa dhex maray ciidamada ilaalada u ahaa Madaxweyne Qoorqoor iyo ciidamada watay gaari oo ka tirsan Nabadsugidda oo halkaasi tegay, waxaana la sheegay in is-rasaaseynta oo daqiiqado socotay ay ku dhinteen laba askari, ayna ku dhaawacmeen qaar kale.
Waxay is-rasaaseynta ku soo beegantay xilli ay kolonyada madaxweyne Qoorqoor ka gudbeysay albaabka laga galo xerada 21-aad, waxaynu wararku sheegayaan in Madaxweyne Qoorqoor aanay waxba soo gaarn oo si nabadgelyo ah xerada ku galay.
Waxaa muddooyinkii danbe muran ka tagnaa inxerada 21-aad ee Taliska Milateriga laga dhiso Madaxtooyada Cusub ee Galmudug, laakiin lama oga sababta keentay iska hor imaadka dhex maray labada ciidan.
Wxaaa xerada 21aad gaaray saraakiisha kala duwan ee ciidamada dowladda, iyado uu u yeeray madaxweyne QoorQoor oo wali ku sugan xerada.