Qaax miino oo shalay maqribnimadii lala beegaday Kolonyo ka tirsan ciidamada AMISOM deegaanka Carbiska ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa la sheegay inuu qasaare ka dhashay.
Qaraxa ayaa qabsaday mid ka mida Gawaarida Ciidamada AMISOM, waxaana burbur xoog leh gaaray gaariga gaashaaman iyadoo Alshabaab sheegatay inay ku dileen 8 Askari oo la socday gaariga la qarxiyey, laakiin AMISOM ayaan wax war ah kasoo saarin qaraxaasi iyo qasaaraha soo gaaray ciidamadeeda.
Qaraxyada miinooyinka ayaa si joogto ah uga dhaca duleedka magaalada Muqdisho, iyadoo Alshabaab ay la beegsato AMISOM iyo ciidamada dowladda.