Tuesday, June 24, 2025

Faahfaahin ku saaabsan Askar ka tirsan ciidamada dowladda ool agu dilay duleedka Magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in askar ka tirsan ciidamada milateriga lagu dilay degaanka Ceelasha Biyaha.

Laba askari oo ka tirsan Ciidamada Dowladda oo ku sugnaa Carbiska ayaa la sheegya inay weerar ku soo qaadeen dabley hubeysan oo ay ku toogteen goob Maqaayad oo ay fadhiyeen, kana baxsadeen kadib markii ay dilka u geysteen.

Dadka degaanka ayaa sheegay inay falkaasi geysteen laab nin oo Bastoolado ku hubeysaa, waxayna labada askari ka tirsanayeen Ciidamada Milatariga, waxaana goobta gaaray ciidamada amniga.

Falkan ayaa qeyb ka ah dilalka khaarijinta ah ee lagula kaco ciidamada iyo mas’uuliyiinta dowladda oo si joogto ah u dhaca, iyadoo ay sheegato kooxda Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON