Wararka laga helayo magaalada Muqdiso ayaa sheegaya inuu fal dil ah ka dhacay magaalada Muqdisho.
Dilkan ayaa lasoo weriyey inuu ka dhacay Isgoyska Ceel-gaab ee degmada Waaberi, iyadoo halkaasi lagu dilay nin darawal ah, waxaan dilkiisa ka danbeeyay nin ku lebisnaa dareyska ciidamada milateriga Soomaaliya, isagoo marka uu falka geystay ka baxsaday goobta.
Dadka degaankasi ayaa sheegay Meydka ninka la dilay oo aan la qoonsan meydkiisa loo qaaday xarunta Dambi baarista ee CID, iyadoo dilka uu yimid kadib markii uu muran dhex maray askariga dilka geystay oo wararka qaar ay sheegayaan inuu ka mid ahaa ilaalada barta ciidamada ee isgoyska Ceelgaabta.