Sida ay sheegayaan wararka laga helayo magaalada Muqdisho waxaa xalay lagu dilay magaalada Guddoomiye Waaxeed ka tirsanaa Maamulka Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir.
Wararka aya asheegaya in ninkan oo ka mid ahaa laba qof oo xalay lagu dilay magaalada Muqdisho ay koox hubeysan ku toogatay xaafada Shanta Geed ee degmada H/wadaag, waxaana goobta ka baxsaday dableydii falkaasi geysatay.
Dadka degaanka ayaa sheegay in Guddoomiye Waaxeedka la dilay uu madax ka ahaa waacda Sakhaawadiin, laguna magaaabi jiray Jabloosm iyadoo lagu dilay xilli uu fadhiyay Maqaaxi taalla xaafada Shanta Geed oo ku dhow suuqa bakaaraha.
Dhinaca kale waxaa xalay xaafadda Takabaayo ,madow ee degmada Dharkeynley lagu dilay nin oday ah oo caan ka ahaa xaafadaasi xilli uu kasoo baxay masjid salaadii taraawiixda kadib.