Thursday, June 26, 2025

Faahfaahin ku saabsan Jeneraal ka tirsanaa ciidamadda Xoogga Dalka oo lagu dilay Muqdisho

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxeysa dil caawa magaalada Muqdisho loogu geystay  Jeneraal ka tirsanaa ciidamada Xoogga dalka.

Dilka ayaa ka dhacay Caawa degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho, iyadoo koox bistoolado ku hubeysan ay weerarreen Jeneraal Cabdulle Maxamed Sheekh (Qururux) oo hore u soo noqay ku xigaanka Madaxda Saadka ee ciidamada xoogga dalka.

Dilka Jeneraal Qururux ayaa ka dhacay meel u dhow Guri uu deganaa, kadib markii uu kasoo baxay Masjidka Al-iimaan oo uu ku tukaday Salaadii Cishaha, Laba dabley ah ayaa la sheegay inay rasaas is daba joog ah ku fureen, kadibna ay goobta isaga baxsadeen, waxaana sidoo kale la dilay askari ilaalo u ahaa Jeneraalka.

Jeneraal Cabdulle Maxamed Sheekh (Qururux)
Allaha u naxariito Jeneraal Cabdulle Maxamed Sheekh (Qururux)

Ciidamada ammaanka iyo maamulka degmada Waaberi ayaa meydka Jeneraalka iyo askariga lala dilay ka qaaday goobta, iyadoo la geeyay Dembi baarista ee CID-da ee magaalada Muqdisho.

Ciidamada ayaa baaritaan ka sameeyay goobta dilku ka dhacay, iyadoo aanay jirin cid loo qabtay, laakiin maamulka degmada Waaberi ayaa sheegay in lagu raad joogo kooxdii falka dilka ah geystay.

Goobjooge

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON