Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegay in koox hubeysan ay toogasho ku dileen galabta laba qof oo shacab ah.
Dilka ayaa ka dhacay Xaafadda Daarusalaam ee Degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir, waxaana laba dabley ah oo Bistoolado ku hubeysan ay toogteen laba nin oo dhalinyaro ah, oo la sheegay in midkood ka tirsanaa shaqaalaha Salaam Bank iyo midka kale oo ahaa Macalin Iskuul.
Lama oga sababta loo dilay labada nin iyo cidda ka danbeysay, iyadoo magaalada Muqdisho iyo hareerahooda ay ka socdaan falal dilal aan hore loo arag ah oo u dhaxeeya dhinacyo kala duwan sida Alshabab, Daacish iyo dhinacyo ay shirkado Ganacsi ka mid yihiin.