Wararka laga helayo magaalada Buuloburte ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegayo in toogasho lagu dilay ninkii ka danbeyay dilka askari Jabuutiyaan ah oo Arbacadii lagu dilay degmada Buuloburte.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cabdi Maxamuud kana mid ahaa ciidamada dowladda ayaa ka baxsaday magaalada, wuxuuna tegay degaanka Jameeco Shiin oo 16 KM dhinaca Bari ka xiga degmada Buuloburte.
Cidamo isugu jira AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa halkaasi ku weeraray askariga, waxaana la sheegay inuu ku dhintay iska caabin uu kala hor yimid ciidamada ku raad joogay, taasoo keentay inay rasaas badan ku dhacdo, kuna geeriyoodo goobta.
Ciidamada ayaa la sheegay inay doonayaan inay nolol ku qabtaan askariga dilka geystay, balse uu iska caabin kala hor yimid ciidamada.
Taliyaha Ciidamada dowladda ee degmada Buula Barde Cabdullaahi Barre ayaa sheegay in magaalada Buula Barde ay soo gaarsiiyeen meydka gacan ku dhiig-laha iyo qori uu ka qaatay markii uu dilay askariga u dhashay Jabuuti.
Goobjooge.com