Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo, gaar ahaa maqaayad u dhow Madaxtooyada Maamulka Jubba.
Qaraxa ayay sheegeen saraakiisha ammaaka magaalada Kismaayo inuu ahaa waxyaabaha qarxa oo la dhigay Gaari yaallay meel u dhow Maqaayada.
Dad gaaraya shan qof ayuu sheegay maamulka Jubba inay ku dhaawacmeen qaraxa, inkastoo wararka qaarkood ay sheegayaan in laba qof ay ku dhinteen.
Ciidamada ammaanka ayaa goobta xiray kadib qaraxa, ma jirin cid loo qabtay qaraxaasi oo ka dhacay goob ganacsi oo lagu shaaho.