Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qarax miino oo lala beegsaday Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.
Qarax ayaa ka dhacay jidka Warshadaha, agagaarka warshadii Sigaarka iyo Taraqa, waxaana jugtiisa aga maqlay qeylo badana oo ka mida magaalada, kadibna waxaa halkaasi ka dhacday rasaas ay fureen ciidamadii la socday Gaariga qaraxa qabsaday oo dhinac danbe waxyeelo kasoo gaartay, waxaana ku dhaawacmay saddex askari oo gaariga la socday.
Wararka ayaa sheegaya in askarta dhaawacantay ay ka tirsanaayeen saldhiga Booliska degmada Deyniile. Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa baaritaano ka sameeyay halkaasi lama sheegin cid loo soo qabtay.