Tuesday, June 24, 2025

Faahfaahin ku saabsan Qarax lagu dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Milateriga iyo Ilaaladiisii

Faahfaahin ayaa laga helay qarax khasaare ka dhacay degaanka KM 13 ee duleedka magaalada Muqdisho oo laga beegsaday sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda.

Qaraxa oo ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso ayaa lala eegtay Gaari ay wateen ciidamada oo ahaa Cabdi Bile, waxaana la sheegay inay ku dhinteen qaraxa sarkaal iyo saddex askari oo ilaalo u ahayd, waxaana ku dhaawacmay Lix qof oo shacab ah.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay inay qaraxaasi ku dileen Cabdi Xasan (Biyo Quute) oo mar ahaan jiray Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur, haddana ciidamada Militariga Soomaaliya.

Goobta uu qaraxa ka dhacay waxaa gaaray Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo goobta ka qaaday Ciidamadii ay waxyeelada soo gaartay, waxaana ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano ku aadan sida ay wax u dhaceen.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON