Friday, April 26, 2024

Madaxweyne Farmaajo oo Dhagax dhigay Dhismaha Dekadda Magaalada Hobyo [Sawirro]

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta gaaray magaalada Hobyo ayaa siweyn loo soo dhaweeyey,waxaa uuna dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo dib u dhis ah.

Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaah Soomaaliya ayaa dhagax dhigay Dekedda Hobyo ee Gobolka Mudug, oo dhawaan dib u dhis lagu sameyndoono,si loogu qabto adeegyo muhiim u ah bulshada kunool Galmudug.

Madaxweyne Farmaajo oo ay wehliyeen Madaxweynaah Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf,kuxigeenkiisa Maxmed Xaashi Cabdi Carabay iyo madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Axmed Shaakir ayaa sheegay in Dekedda Hobyo ay muhiim tahay isticmaalkeeda maadaama ay Soomaaliya ay leedahay badda baaxadeedu ay weyn tahay.

Ad

Sidoo kale wuxuu dhagax dhig ku sameeyey mashruuc lagu dhisayo waddo isku xirta Magaalooyinka Hobyo,Cadaado iyo Caabud-waaq,wadadaasi oo muhiim u ah isu socodka dadka iyo gaadidka bulshooyinak kunool magaalooyinkaasi.

Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku guda jira weli booqasho uu kumarayo deegaanada Galmudug,isagoo la filayo in dhawaan dib ugu soo laabto magaalada Muqdisho.

Image may contain: 1 person

- Advertisement -

Image may contain: 3 people, people standing and suit

Image may contain: 5 people, people smiling, people standing

Image may contain: 4 people, people smiling, people standing

Image may contain: 7 people, people standing

- Advertisement -

 

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON