Qarax ka dhacay dalka Turkiga ayaa lagu laayay askar fara badan oo ka tirsan Kumaandooska dalkaasi.
Milateriga Turkiga ayaa sheegay in 13 askari ay ku dhinteen 48-na ay ku dhaawacmeen weerar qarax ahaa oo lagu qaaday Bas ay saarnaayeen ciidamadaasi oo safar ahaa.

Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaari miineysan oo waxyaabaha qarxa saarnaayeen kaasoo lala eegtay Bas ay askartaas ku socdaalayeen. Baska ayaa marayey magaalada ku taalla bartamaha Turkiga ee Kayseri.
Sawirro Tvga laga dawaday ayaa muujinayey baska oo burburay. Weerarka ayaa ka dhacay meel aan ka fogayn jaamacadda Erciyes, waana kii labaad oo askar Turki ah lagu laayo.
Wasiirka Arrimaha gudaha Turkiga Suleyman Soylu ayaa sheegay in 12 ka mida askarta dhaawaca ah uu xaalkooda liito.
Wakaalado