Monday, June 23, 2025

Faahfaahin ku saabsan Qarax lagu weeraray Kolonyo ka tirsan AMISOM oo ku sii jeeday Jowhar

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax miino oo lagu beegsaday ciidamo kolonyo ah oo ka tirsanaa AMISOM.

Qaraxa ayaa kolonyada AMISOM ku haleelay inta u dhaxeysa degaanka Isgoys iyo Haanta-sheekh, wuxuuna haleelay mid ka mida gaadiidka AMISOM, iyadoo si weyn qaraxa looga maqlay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Ciidamada Midowga Afirka ee AMISOM oo ku sii jeeday magaalada Jowhar ayaa qarax kadib furay rasaas fara badan, lamana soo werin wax khasaare ah oo shacabka degaankaasi gaaray, inkastoo ciidamada AMISOM aanay ka hadalin qasaaraha soo gaaray ciidamadooda.

Ciidamo Soomaali ah ayaa la socday ciidanka AMISOM xilliga qaraxan lagula eegtay inta u dhaxeysa degaanada Haansheekh iyo Golaley oo degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa sii xojiyay Qaraxyada miinooyinka ah ee dhulka lagu aaso, waxayna si joogto ah u beegsadaan Gaadiidka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON