Wararka laga helayo magaalada Kismaayo ayaa sheegaya Qarax is-miidaamin ah uu galabta ka dhacay xerada Koongo oo u dhow Madaxtooyada Kismaayo.
Qaraxa ayaa la sheegay inuu geysay nin is-miidaamiyaytoo xirnaa jaakadaha qarxa, iyadoo ay ku dhinteen laba qof oo ay ku jirto gabar yar, kuwaasoo goobta ka dhowaa.
Ninkan ayaa la sheegay in laga hor istaagay inuu galo xerada ciidamada, kadibna uu is qarxiyay, waxaana goobta ay isu bedeshay xaalad qasan, iyadoo ciidamada ammaanka ay rideen rasaas fara badan.
Baaritaan ayaa ka socda magaalada lagu hubinayo qofka qaraxa geystay oo jirkiisu gogo’ay, waxaana la xiray wadooyinka u dhow madaxtooyda oo la geeyay ciidamo fara badan.
Goobjooge.com