Faahfaahin ku saabsan Qaraxyo Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho & Dad loo qabtay..

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay qaraxyo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho oo ka kala dhacay degmooyinka Xamarweyne iyo Wadajir.

Qaraxa hore oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyadaayuu sheegay Taliska Booliiska Soomaaliya in loo adeegsaday Gaari nooca loo yaqaan Toyoto NOAH, sida ay sheegtay taliye ku xigeenka ciidamada Booliska Zakiya Xuseen Axmed ma jirin wax qasaare ah oo uu geystay qaraxa hore, waxaana la qabtay qofkii ka dambeeyay ee waday gaariga qarxay.

Ad

Qaraxa kadib ayaa la maqlay rasaas ay ridayeen ciidamada ilaalada madaxtooyada, waxaana la qabtay laba nin oo laga shakiyey, kuwaasoo midkood loo heysto inuu waday Gaariga, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka degdegga oo la sheegay inay qaadeen dhaawacmay qaraxa.

Dhinaca kale qarax kale ayaa isla caawa ka dhacay degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan agagaarka dugsiga Hoose Dhexe/Sare ee Jabuuti, waxayna wararku sheegayaan in ciidamada amniga ay halkaasi xireen qaraxa kadib.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

129,356FansLike
1,243FollowersFollow
3,414FollowersFollow

WARARKA UGU SHIDAN

error: Content is protected !!