Wararka laga helayo degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose aya sheegaya in kooxda Al-shabaab ay weerar culus xalay ku qaadeen Ciidamada AMISOM oo ay wehliyaan kuwo Soomaali ah oo marayay duleedka Afgooye.
Weerarka oo gaadmo ahaa ayaa dhaliyay qasaare kala duwan, waxayna wararku sheegayaan in ciidamada Danab ee dowladda iyo kuwa AMISOM looga gubay laba Gaari oo ku gaashaaman ah, halka mid kale ay qabsadeen Alshabaab, waxaana labada dhinac dhex maray dagaal qaraar oo socday in ka badan 30 daqiiqo.
Dhinaca Ciidamadii Soomaalida ahaa ayaa qasaare kasoo gaaray weerarka Alshabaab, wuxuuna weerarka ka dhacay inta udhaxaysa degmada Afgooye iyo deegaanka Warmaxan, iyadoo qaraxyo miinooyin ay waxyeeleeyeen gadiidkii AMISOM iyo kuwa dowladda ee ka yimid saldhigga Ballidoogle.
Faahfaahin dheeraad ah oo la helay ayaa sheegeysa in ku dhowaad 10 askari oo ciidamada Soomaaliya lagu dilay weerarka, iyadoo aan jirin faahfaahin weerarka ku saabsan oo labada dhinac ay bixiyeen.