Thursday, June 26, 2025

Faahfaahin ku saabsan Weerar Bam oo ka dhacay Magaalada Muqdisho & Dad ku dhintay

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho aya sheegay in weerar Bam lagu qaaday goob u dhow bar ay ciidamada dowladda ku leeyihiin degmada Boondheere, kaasoo dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.

Wararka ayaa sheegay in weerarka oo dhacay agagaarka Masjidka Xaaji Yabarow ee degmada Boondheere ay qasaare kasoo gaartay dad ku sugnaa goob internet-ka laga isticmaalo, iyadoo qof ku dhintay 2 kalena ku dhawacmeen Qaraxa Bam Gacmeedka.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in darawal Mooto Bajaaj uu ku dhintay, kaasoo goobta marayey xilliga qaraxa dhacay; waxaana goobta ka baxsaday raggii weerarka qaaday.

Ciidamada oo ka ag dhowaa goobta qaraxa ka dhacay ayaa howlgal ka sameeyay halkaasi, iyadoo dadkii weerarkaasi ka danbeeyay dabagal ku sameeyay, balse aan lagu guuleysan in lasoo qabto.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON