Wednesday, July 9, 2025

Faahfaahin ku saabsan Xaalada Xerada Jen. Gordon ee Muqdisho & Hub iyo Saanad la isku qabsaday

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Xerada milateriga Jen. Gordon oo maanta dagaal ku dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Iska hor imaadka ayaa  ka dambeeyay, kadib markii maanta halkaasi tageen Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya oo ka baxay Wasaaradda Gaashaandhigga oo sheegay inay ka hortagaan, boob ay wadeen qaar ka mida ciidamadii Imaaradku tababarray ee xerada ku sugnaa.

Waxaa xerada ka dhacay dagaal socday waqti kooban, kaasoo ka dhacay gudaha xerada, kadib markii Ciidamo uu tababartay Dowladda Imaaraadka Carabta laga  hor istaagay qorshe la doonayay in xerada looga saaro Gaadiid dagaal iyo saanad kale.

Wararka ayaa sheegay in la bililiqeystay Bakhaar hub ku jiray oo laga qaatay hub u badan qoryo iyo dareys ciidan, waxaana halkaasi gaaray ciidamo ka tirsan milatetiga Soomaaliya oo ku hubeysan gawaarida gaashaaman kuwasoo xerada isku gadaamay, iyadoo la qabtay qaar ka mida ciidamada.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON