Monday, July 14, 2025

Faahfaahin: ku saabsan koox hubeysan oo Ganacsade ku dishay Magaalada Boosaaso

Wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari ayaa sheegaya in caawa halkaasi lagu dilay ganacsade laga yaqaanay magaalada.

Koox hubeysan ayaa Gancsade lagu magacaabi jiray Salaad Cabdi Cukaash ku dileen xaafadda Raf iyo Raaxo ee magaalada Boosaaso, meel u dhow Masjidka Cali Bin Abu-Daalib oo la sheegay inuu xilligaasi kasoo baxay salaadii Cishaha.

Ganacsade Salaad ayaa wararku sheegayaan inuu xisaabiye u ahaa shirkadda Ganacsiga ee Horseed, iyadoo aanay dilkiisa cidna loo qaban, waxaana goobta ka baxsaday raggii dikiisa geystay.

Magaalada Boosaaso oo ka mida meelaha ugu badan ee dilalka qorsheysani ka dhacaan ayaa waxaa ka howlgala kooxaha Daacish iyo Alshabaab.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON