FAAHFAAHIN: Laba Qarax oo lala beegsaday Hotel ku dhow Madaxtooyada & Alshabaab oo sheegatay

0

Laba qarax oo waaweyn iyo weerar toos ah ayaa laga beegsaday Hotelka Naasahablood II ee ku yaala degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, kaasoo kaabiga ku haya Xarunta Madaxtooyada.

Labada qarax ayaa daqiiqado kooban kala danbeeyay waxaana xigtay rasaas xoog leh oo ka dhaceysa goobta, iyadoo wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in qasaare weyn uu goobta ka dhacay.

Hotelka weerarka lagu qaaday ayaa ka mid ah labada hotel ee Naasa-hablood 1 oo ku yaala isgoyska KM 4 oo hore Alshabaab u weerarren iyo Naasahablood 2  oo maanta ay beegsadeen, waxaana leh ganacsade aad ugu dhow wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegatay in ay iyadu weerarkaa qaaday oo ay dagaalyahanno ka tirsan kooxdoodu gudaha u galeen Hotelka, warar madax banaan oo xaqiijinaya arrintan lagama hayo dhinaca dowladda Federaalka.

Qasaaraha qaraxayada ayaa la sheegay inay sii kordheyso, Gaadiidka Gurmadka Aamin ayaa sheegay inay ilaa iyo hadda qaadeen 15 qof oo midkood haweeney tahay, iyadoo meydad badan ay goobta yaalleen.

Hotelka waxaa hadda gacanta ku haya ciidamada ammaanka iyadoo aanay jirin dabley ku jirta kadib rasaas culus oo ka dhacday, waxaana socda gurmadka dadka ku Waxyeeloobay labada qarax ee mataanaha ahaa.

Qaraxa oo imaanaya laba toddobaad kadib qarixii lagu hoobtay ee Isgoyska Soope ayaa lagu soo beegay iyadoo uu shir Muqdisho uga furmayo madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.